Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Shiinaha ku kulmay

02 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo si toos u furmeysa berri.

Horey Madaxweynaha inta uu joogay dalkaas waxa uu la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxda shirkadaha maalgashi ee waddankaasi.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana Madaxweynaha kulankiisa ku qotomay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.

67

68

Puntlandes.com

About The Author