Shirka Madaxda dawlad goboleedyada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Kismaayo, maxaa looga hadlayaa?

03 Sep 2018 (Puntlandes) Amaanka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa aad loo adkeeyay, ciidamo badan ayaana la geeyay xarunta uu ka dhacayo shirka madaxda dawlad goboleedyada.

45b7a

Madaxda dawlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu maanta ka furmayo shirka madaxda maamul goboleedyada oo ku mideysan magaca golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Waxaa xalay ka dhacay magaalada, Kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa shirka maanta ka furmayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxyaabaha ugu badan ee shirkaan looga hadlayo waxaa ugu horeeya khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland iyo doorashooyinka dalka, Awood qeybsiga, qaybsiga Kheyraadka iyo Dib u eegista dastuurka.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa hada ku sugan Magaalada Kismaayo, halka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan weli gaarin magaalada Kismaayo balse la filaayo inuu gaara goordhow, wuxuuna shirku socon doonaa mudo sadex maalmood ah.

 

 Puntlandes.com

About The Author