Daawo sawirrada Xil Saleebaan Maxamud Xaashi oo booqday Iskuulka Cumar Samatar

03 Sep 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlanaanka JF Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo xarunta gobalka Mudug ayaa waxaana uu saaka kormeer ku tagay Iskuulo uu ka mid yahay dugsiga sare ee Cumar Samatar.

Iskuulada uu Xildhibaanku kormeeray ayaa waxay kal ahaayeen Cumar Samatar, Salaama, iyo   Xaaji Cali. Waxaana uu warbixin ka dhagaystay Guddomiyeyaasha Wasaaradda Waxbarasha iyo maamuleyaasha skuulada.

Xildhibaanka ayaa Ardayda ku guubaabiyey inay dadaalkooda waxbarasho kordhiyaan waxna u bartaan dadkooda iyo dalkooda.

 

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10
Puntlandes.com

About The Author