Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Barlamanka Somalia oo maanta ka dhacaysa Dhuusomareeb (Xasaasi)

04 Sep 2018 (Puntlandes) Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ka dhaceysa doorashada mid kamid ah kuraasta golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo banaan, kaasi oo musharixiin badan ku tartamayaan.

Kursiga loo tartamayo waxaa 19 bishii Agoosto ee sanadkaan baneeyay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo iska casilay xilka xubinnimada baarlamaanka Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray C/llaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo NISA oo wata Ugaaska Beesha Murursade, doonayana inuu hanto kursiga uu baneeyay walaalkii C/qaadir Gaafow.

Doorashada maanta ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo, maadaama shalay la dhameeyay diiwaan gelinta ergada doorashada ka qeyb galaysa iyo xubnaha korjoogtada ah.

Doorashadan ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa goob joog ka noqon doona Guddiga Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.

Kursigan ayuu Gaafoow markii uu ahaa taliyaha waxa uu si aan gabasho layan usoo saaray walaalkiis oo hada u baneeyey si uu isagu ugu fariisto, waxay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in taageero xoogan ka haysto RW Khayre.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka ku dhaw goobta ay doorashada ka dhaceyso, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.

Hoos ka daawo sawirrda Gaafoow oo wata Ugaaska oo gaaray Dhuusamareeb shalay

29

30

31

32

33

Puntlandes.com

About The Author