Cabdulahi Gaafow oo sidii la saadaalinayey ku guuleystay doorasho kursi ka banaanaa golaha shacabka

04 Sep 2018 (Puntlandes) Doorashada kursi ka mid ah Kuraasta ka banaanaa Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisuna ay ahayd magaalada Dhuusomareeb ayaa goordhawayd lasoo gaba gabeeyay.

32

Doorashada kursiga ka banaaan golaha shacabka oo saakay ka bilaabatay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ku tartamayay agaasimihi hore ee hay’adda nabadsugida Soomaaliya Cabdulaahi Gaafow Maxamud iyo Xiireey Muxudiin Cumar oo horey usoo noqday guddoomiyihii degmada deyniile ee gobolka Banaadir.

Musharixii Cabdulaahi Gaafow kula tartamayay kursiga xildhibaanimo ee golaha shacabka ayaa inta aysan bilaabin codeynta doorashada iska casilay isagoona ergada doorashada ka hor sheegay in uu u tanaasulay musharaxa uu kula tartami lahaa doorashada ee Cabdulaahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in codeynta doorashada la guda galayo iyadoo aysan jirin musharax labaad oo tartamaya ,waxaana sidaasi loo guda galay codeynta doorashada kursiga xildhibaanimo ee golaha shacabka.

Ugu dambeyntii ergadda dooranaysa musharaxiinta ayaa u codeeyay Cabdulaahi Gaafow agaasimihi hore ee Hay’adda NISA,iyadoona Guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in xildhibaan Gaafow uu ku guuleystay doorashadii uu kaligiis ku tartamayay.

Puntlandes.com

About The Author