Akhriso magacyada Golaha deegaanka degmada Bosaso oo la shaaciyey

04 Sep 2018 (Puntlandes) Guddiga loo xilsaaray dhisida Golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa maanta soo saaray liiska xildhibaanada cusub oo ka kooban 31 xubnood.

70

Liiska la sooray waxaa ka soo muuqday duqii ku meel gaarka ahaa ee degmada Boosaaso ahna Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ah musharax u taagan duqa iyo musharaxa kale ee Maxamed Faarax Xaaji Mire.

Liiska waxaa soo dugbiyay Guddiga ansixinta Golaha deegaanka Degmada Boosaaso, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha wecyigelinta iyo dhismaha golayaasha deegaanada ahna Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade).

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la dhisay Golihii deegaanka degmada Garowe loona doortay duq cusub oo xilkii maanta la wareegay.

54

54a
Puntlandes.com

About The Author