Farmaajo oo looga yeeray magaalada Asmara!!

05 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa looga yeeray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo la filayo inuu deg deg ku gaaro gelinka dambe ee maanta.

Waxaa hadda ku sugan magaalada Asmara Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana u yeeray Farmaajo madaxweynaha Eritrea Afawerki iyo  RW Abiy.

Abiy Axmed ayaa saaka tagay magaalada Assab ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku taalo deked muhiim u ah dowladda Eritrea, waxaana Abiy Axmed uga bilowday magaaladaasi booqasho labo cisho ah.

Yemane Meskel oo ah wasiirka warfaafinta Eritrea, ayaa bartiisa ku shaaciyay booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Asmara gelinka dambe ee maanta.

Ethiopia iyo Eritrea ayaa Soomaaliya ka faquuqay dalka Jabuuti oo ay aad isugu dhawaayeen.

Sawirrada hoose RW Abiy oo saaka lagu soo dhaweeyey Eritrea

IMG_20180905_131802 IMG_20180905_131808 IMG_20180905_131804

Punttlandes.com

About The Author