Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ku guulaystay Duqa Bosaso

06 Sep 2018 (Puntlandes) Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku guuleystay doorashadii duqa degmada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib markii uu helay 28 cod oo aqlabiyad ah, waxaana la tartamayay musharax Maxamed Faarax Mire oo helay 3 cod,  waxayna doorashadu ku dhacday cod qaarsoodi waxayna Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso ayaa ka kooban 31 xubnood.

46b3a

Dhanka kale kuxigeenka duqa degmada Bosaso waxaa ku guuleystay Siciid Cabdiraxaam Maxamed (Garoon) oo helay 26 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Mubaarak Salaad Cali uu helay 5 cod.

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob-joog ka ahaa ,Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Timacade,  ku xigeenkiisa ,Wasiirka dekadaha, maamulka Gobalka Bari iyo madax kale.

Puntlandes.com

About The Author