Siciid Cabdilaahi Maxamed (Dani) waxa uu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadkii 1967 (51 sano jir), waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Muqdisho, kadib waxa uu galay Jaamacadii Ummada, kuliyadda luuqadaha?, waxbarashadiisa sare ama heerka labaad ayuu ku qaatey jaamacad ku taala dalka Malaysia.

46b

Dani waxa uu kamid ahaan jirey ururkii Ikhwaanu Muslimiin ee ka hana qaadey dalka Masar, garabkiisa Soomaaliya ee Al-Islaax, waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gobolada Puntland (ex-Waqooyi Bari), Sidoo kale Siciid Dani waxa uu kamid aha asaasayaashii Hay’ada Tadaamun sanadkii 1992 hay’adaas oo markii danbe noqotey hay’ad kheyri ah oo ka qaybqaadata hormarinta arimaha bulshada.

Musharax Siciid Dani ayaa qaybweyn ka soo qaatey arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada waxaana uu kamid ahaa kooxdii Al-Islaaxa ahaa ee dhidibada u taagey iskoolka Hoose/Dhexe/Sare ee Imaam Nawawi ee magaalada Boosaaso, kaas oo la asaasey xili waxbarashada dalku aad u liidatey, waxaana uu mar noqdey maamulaha iskoolkaas oo ay ka qalin jebiyeen kumaankun ardey ah.

Ku biiristii siyaasada

Siciid Dani marka laga yimaado in uu ahaa ganacsade iyo nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada, waxa uu kamid ahaa kuwa ka agdhaw siyaasada, waxaana uu kamid ahaa kooxdii ganacsatada ahayd ee taageeri jirtey ama la taliyaasha u ahaa maamulkii Kornayl Jaamac Cali Jaamac ee mar Boosaaso ka taliyey mudo sagaal bilood ah 2001-2002,

Doorashadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee baarlamaankii 550 ay u doorteen Madaxweyne 2009kii, kadib markii uu iscasiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa isaga oo Jabuuti ku sugan waxaa damac siyaasadeed geliyey koox ganacsato reer Muqdisho ah oo u badnaa kuwo xubno ka ahaa ururkii Al-Islaax Al-Islaamiya, kuwaas oo sheegay in ay Sheekh Shariif ka soo dhameyn karaan in uu u magacaabo raysalwasaare, maadaama uu doonaayo in uu Wasiirka kowaad u magacaabo qof reer Puntland ah, taasina waxay ahayd damicii u horeeyey ee siyaasadeed ee ku dhasha Siciid Cabdulaahi Dani.

 

Sanadkii 2012 ayuu si rasmi ah u soo galey siyaasada, kadib markii beeshiisu ay siisey mid kamid ah labadii kursi ee ay ku lahaayeen baarlamaanka, iyada oo aan cidna kula tartamin.

Xildhibaan Dani ayaa markii uu doonaayey kursiga Xildhibaanimo u sheegay taageerayaashiisa in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2012, ama uu keeni karo ugu yaraan Raysalwasaare, taasina ay tahay sababta uu Xildhibaanka u raadinaayo. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib waxa uu kamid ahaa kuwii u ordaayey in Raysalwasaare laga dhigo. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa awood badan ku lahaa xubno ka tirsanaa ururkii Al-Islaax gaar ahaan garabkii Damuljadiid, iyo daladihii waxbarashada. Xasan Sheekh waxa uu Raysalwasaare u magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon, sidoo kale Siciid Dani kuma soo bixin golihii wasiirada ee u horeeyey ee Raysalwasaare Saacid.

Fursadii labaad ee arrimaha siyaasada ayaa soo martey markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Raysalwasaarihii la magacaabey Saacid kadib Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u magacaabey Siciid Cabdulaahi Dani in uu noqdo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowaladda Federaalka xilkaas oo uu hayey Janaayo 2014 – ilaa iyo markii uu wax ka ridey xukuumadaas 06.Diseembar 2014.

Doorashadii 2016-2017

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid noqdey musharixiintii doorashadii Madaxweynaha ee 2016-2017, waxaana uu wareegii kowaad galey kaalinta lixaad isaga oo helay 18 cod, waxa uu ka tirsanaa gaashaanbuurtii Xasan Sheekh Maxamuud ee doorashada looga adkaadey. Laakiin Siciid Dani waxa uu mar kale ka mid noqdey siyaasiyiintii u orday in ay ka soo dhex muuqdaan golihii wasiirada ee Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre taas oo uu ku guuldaraystey, waxaana intaas kadib uu ka baxay magaalada Muqdisho isaga oo u badnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Kiinya, dibna Puntland uguma noqon.

Mudadii uu ahaa Xildhibaanka 2012-2016

Siciid Cabdullaahi Maxamed, kama mid noqon gudiyada Baarlamaanku lee yahay ee gaarayey 15 gudi, kuwaas oo muhim ahaa, mudadii afarta sano ahayd ee uu Xildhibaanka ahaa waxa uu kamid noqdey 10-ka xildhibaan ee ugu maqnaanshaha badan marka la eego ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka iyo hawlaha Baarlamaanku wado, waxaana uu afartaas sano helay 27%, sida aan xogta hoose ka helney xafiiska habdhawraha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Siciid Cabdulaahi Maxamed fadhiyadii ugu badnaa ee uu ka qaybgalo waxay ahaayeen kuwii lagu doortey Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, qaybta labaad waxay ahayd kuwii ay ku ridayeen isla xukuumadii uu ka tirsanaa, iyo kuwii lagu ansixinaayey.

46bb

Xiligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta 2014-2014.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xusuusto Siciid Dani waxaa kamid ahaa buugii tirakoobka ee qiyaasta ahaa, kaas oo la diyaariyey sanadkii 2014, markaas oo uu xafiiska joogey Siciid Dani, tirakoobka qiyaasta ah ayaa tirada dadka Soomaaliya ka dhigay 12.3 milyan oo qof, waxaana guud ahaan gobolada Puntland qiyaastu sheegeysey in ay ku noolyihiin dad ka yar 1.7 milyan oo qof, xogtan ayaa la shaaciyey xiligii uu Wasiirka ahaa Cabdiraxmaan Caynte, laakiin waxa uu ku doodey in xogta la diyaariyey sanadkii 2014.

46bb1

Siciid Cabdulaahi Dani ayaa saxiixay warqad lagu sii deynayay natiijada qiyaas tirakoobka, laakiin Raysal Wasaarihii hore ee Cabdiwali Sh. Axmed, ayaa diiday inuu aqbalo natiijadaas, inyar kadibna Raysalwasaaraha xilkii ayaa laga qaadey. Arintan ayaa ahayd weji gabax iyo gef laga galay shacabka Puntland iyo Dowladda Puntland.

46bb2

Wasiikii qorsheynta Siciid Dani oo u codeynaya in xukumadiisi la rido 06 Dec 2014

Musharax Siciid Dani ayaa markii uu wasiirka ahaa ka horyimid Xukuumadiisi iyo Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana uu kamid noqdey qaar kamid ah golihii wasiirada ee u ololeeyey in ay ridaan isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen. Xasan Sheekh oo ay haysatey fashil siyaasadeed iyo cadaadis caalami ah oo saarnaa ayaa isku dayey in uu fashilka u leexiyo xukuumaddii Saacid, si uu u soo celiyo sumcadii beesha caalamkana uga gado in uu doonaayo isbedel, waxa uu soo magacaabey Rasyalwasaare ku cusub siyaasada, 12 bilood, waxaa soo baxaydey qofka uu ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxa ay Raysalwasaarayaasha isku haystaan oo ah shaqadooda, waxaana uu abaabuley mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, mooshinkaas oo uu horboodaayey Wasiirkii awooda badnaa ee kamid ahaa xubnaha u sareeyey ururkii Damuljadiid Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

46bb3

Copenhagen 22 Nov 2014, 12 maalmood ka hor riditaankii xukuumadii Cabdiweli Sheekh

Siciid Dani wasiirkii qorsheynta waxa uu kamid noqdey kooxdii Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana uu kamid ahaa kuwii ridey isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen taas oo ahayd khaladkii siyaasadeed ee ugu weynaa ee Siciid Dani galay, Raysalawasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu markaas taageero weyn ku dhex lahaa shacabka Puntland.

Siciid Dani ayaa loo sheegay ama is tusay in loo magacaabayo raysalwasaare hadii uu rido xukuumada uu ka tirsanaa, nasiib daro Raysalewasaarihii sadexaad ee Dowaldii Xasan Sheekh kuma guuleysan in loo magacaabo.

Musharaxnimadiisa Puntland 2019

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid yahay maanta musharixiin badan oo doonaaya in ay qabtaan hogaanka Puntland 2019. Olalaha Musharax Siciid Dani ayaa Puntland ka bilowdey xili hore si ka duwan doorashooyinkii hore.

Kaamka ololaha doorashada ee Siciid Dani

Siciid Dani waxaa ololihiisa doorashada horboodaya koox si weyn looga yaqaano gudaha Puntland oo fadhigoodu yahay Garoowe, kooxdan oo loogu yeero AARAN JAAN, waxaa jira taariikh isku xiraysa Siciid Dani iyo kuwa ugu awooda badan AARANJAAN.

Aaranjaan waxaa calanka u sida Maxamuud Shiddo oo sida aan horey u sheegney ay Siciid Dani isku xirnaayeen ilaa asaaskii shirkada Towfiiq.

Kooxda Aaranjaan ayaan lahayn hadaf iyo mabda siyaasadeed oo ay ilaaliyaan, waxaan tusaale ku filan in kooxdan ay la soo shaqeysteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweynayaal kale, kooxdan waxay gacanta ku dhigeen qandaraasyo badan oo Puntland ka jira, ujeedadooda ugu weyn ayaa ah LACAG,LACAG sidii ay u sameyn lahayeen, waxaana lagu tilmaama in ay yihiin kuwo markasta gaajo ba’an u qaba lacag iyo ladnaan (Greedy for money & wealth).

Madaxweyne Faroole waa la ololeeyeen waana taageereen taas oo ay ku heleen in lagu qadariyo, waxaana hada ka go’an in ay keenaan Madaxweyne ay iyagu wataan.

Waxaa kale oo Musharax Siciid Dani taageeraya koox   diineedka Dam Jadiid, taas oo shir ay yeesheen ku go’aamiyey inay la wareegaan madaxtinimada Puntland si ay jaranjar uga dhigtaan doonistooda Villa Somalia, waxaana hogaanka u haya Faarax cabdiqaadir.

Qoraalka qayb ka mid ah waxaan kasoo xiganay Horseed Media

Puntlandes.com

About The Author