Madaxweyne Waare oo eedayntii ugu xooganayn u jeediyey madaxda DFS

11 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabta gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay ammaank Muqdisho mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada.

35c1

Madaxweyne Waare ayaa hadalo kulul oo aan horay loogaga baran ku weeraray madaxda dowlada Federalka, isagoo ku eedeeyay inay burburin ku hayso Dawlad goboleedyada gaar ahaan si gooni ah maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii uu socday shirka Kismayo ee lagu Howlanaa diyaarinta war murtiyeedka ay dowladda culeys soo saartay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana uu ugu baaqay inay faragelinta ka daayaan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay maamulka gobolka Banaadir isagoo ku tilmaamay in aanu madax banaaneen, loona baahan yahay in la iska waraysto Arrinta maqaamka Caasimadda isagoo cod dheer ku sheegay in amnigii Muqdisho uu gacanta ka baxay hadda uuna qarka u saaran yahay in Alshabaab la wareegto.

Daawo khudbadii madaxweyne Waare


Puntlandes.com

About The Author