Golaha Wasiiradda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn go’aano kasoo saaray

11 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maanta shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Puntland.

Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms

Kulankan waxaa lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin shirkii golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada ee ka qabsoomay magaalada Kismayo 4tii -8dii bishan Sep 2018 iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Golaha wasiirada dawladda Puntland ayaa ugu horay isku raacay taageerida go’aanadii ka soo baxay, iyagoo hoosta ka xariiqay inaysan dawladda Puntland ka qayb galayn shirka Muqdisho ee uu ku baaqay madxawynaha DFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 17ka bishan.

Dhanka kale Golaha Wasiiradda Puntland waxay ku eedeeyeen maamulka Somaliland inuu ka dambeeyo dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaray koonfurta gobolka Sool, sida aan xogta ku helay.

Puntlandes.com

About The Author