Akhriso Aqalka Sare oo war kasoo saaray khilaafka dawlad Goboleedyada & DFS

Filed under: Wararka maanta |

12 Sep 2018 (Puntlandes) Aqalka Sare ee barlamaanka JFS ayaa wafdi xal doon ah u diraya deegaanada dawlad goboleedyada dalka, si ay ugu kuur galaan xaalada siyaasadeed, amni, nololeed iyo midda Federaaleynta, si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

47b1

Kulan uu maanta isugu yimid Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in wafuud loo dirayo dhammaan deegaanada dawlad goboleedyada, si ay warbixin dhab ah uga keenaan, sidoo kale waxaa baaq ay u direen dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa baaq loogu diray dhinacyada ku lugta leh sameynta iyo soo jeedinta mooshinada ka dhanka ah madaxda maamulada inay si deg deg ah u joojiyaan, si fursad loo siiyo dadaalada xaldoonka ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xasillooni Siyaasadeed iyo is faham guud.

Akhriso qoraalka kasoo baxay Aqalka sare

aqalka-war

Puntlandes.com