Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo xilka laga qaaday

13 Sep 2018 (Puntlandes) Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayey xilka kaga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

47b3

Kulankan ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 147 Xildhibaan, waxaana xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir illaa 146 Xildhibaan, halka 1 xildhibaan wuu diiday.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii labaad ku soo gabagabeeyay mooshinka kalsoonida kala noqoshada ay ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal, iyadoo maalintii shalay bilaabatay dooda mooshinka.

 

Puntlandes.com

About The Author