Wasiir Jamaal oo lacag ku gatay Kursi ka mid ah Golaha Shabaka Baralamaanka Soomaaliya

13 Sep 2018 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa xog lagu kalsoon yahay ku heshay in Wasiirka Qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu si musuqmaasauq ah kula heshiiyey Xildhibaan inuu ka gato xubinimada golaha Shacabka.

47b9

Wasiir Jamaal ayaa Xildhibaan kasoo jeeda Beeshiisa Warsengeli gaar ahaan Dubays, laakiin aysan isku jifo hoose ahayn, waxa uu kula heshiiyey inuu uga gato kursiga ay jufadiisu usoo dooratay lacag cadadkeedu  yahay 100000 $ doolar.

Musuqmaasuqan, sifada sharci darada ah lagu kala gadanayo xubiinimada Golaha Shacabka, ayaa waxaa gadaal ka riixaya oo taageeraya Ra’iisul wasaarada xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wasiiradiisa ku wargeliyey inay kursi Baaarlamaan raadsadaan, haddii kale uu xilka ka qaadayo oo uu ku bedelayo Xildhibaan.

Khayre ayaa qorshayna in ay dhamaan golihiisa wasiiradu noqdaan Xildhibaano si ay uga difaacaan Golaha.

Puntlandes.com

About The Author