Waa kuma Musharax Koonfur Galbeed ee ay wadato dawlada Fadaraalku?

13 Sep 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Mursale Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay 7 musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la filayo inay november ka dhacdo magaalada Baydhabo.

47b9a

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxay ahayd ujeedada uu ka lahaa gudoomiyuhu inuu musharixiinta ka dhaadhiciyo musharaxa ay dawlada Fadaraalku wadato, si musharaxaas loogu dabafaylo, sida ay ogaatay warbaahinta Puntlandes.

Ilo xog ogaala ayaa sheegay in kulanka uu Guddoomiye Mursal ku soo jeediyay in Musharaxiintu ay u tanaasul hal musharax, ayna ku midoobaan kaas

Xubnaha Musharaxiinta ee kulankan ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Alshabaab ka tirsanaan jiray hada si dhow kula shaqeeya madaxda DFS, Wasiirkii hore Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, Wasiir hore Yuusuf Macalin Amiin Baadiyow iyo xubno kale.

Musharaxa ay dawlada Fadaraaku wadato ayaa ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo qabab qaabo xoogan ugu jira inuu si rasmi ah u shaaciyo musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

49a1

Mukhtaar Roobow ayey doonaysaa dawladu inay ku bedesho Shariif Xasan oo hada ah madaxweynaha Koonfur Galbeed

Puntlandes.com

About The Author