Akhriso Magacyada Wafuuda Aqal Sare ee loo dirayo dawlad Goboleedyada

14 Sep 2018 (Puntlandes) Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa soo saaray Liiska wafuuda u tagaya dawlad goboleedyada dalka si ay uga qayn qaataan xasilinta khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

47b1

Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu magacaabay min 10 xubnood oo ka tirsan Senatarada Aqalka sare iyo labo howlwadeeno ah oo loo dirayo xarumaha dawlad goboleedyada, waxaana xusid mudan in qaarkood ay fariisin u tahay halkaas oo aysan soo xaadiri jirin fadhiyada Aqalka.

Liiska ugu horeeyay oo loo dirayo Puntland ayaa waxaa hoggaaminaya Sen. C/raxmaan Faroole oo aan muddo soo xaadirin Kalfadhiyada Aqalka Sare, balse fadhigiisa ahaa Garowe.

Sidoo kale waxaa Wafdiga loo dirayo Galmudug hoggaaminaya Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, halka wafdiga loo dirayo Koofur Galbeed uu hoggaaminayo C/llaahi Cabdi Garuun.

Senator Axmed Xaashi Maxamiid ayaa hoggaamin doona wafdiga u ambabaxaya magaalada Kismayo ee Jubbaland, halka Wafdiga Hishabeelle uu hoggaamin doono Sen. Maxamed Xuseen Raage

Akhriso liiska wafuuda loo dirayo dawlad goboleedyada

47c

47c2

47c3

47c4

47c5
Puntlandes.com

About The Author