DFS MA XAL BAY U ARAGTAA FARAGELINTA AY KU HAYSO GALMUDUG?

16 Sep 2018 (Puntlandes) Jahwareer siyaadeed iyo deganaansho al’aan ayaa laga dareemaya dawlad goboleedka Galmudug, taas oo ah  mid ay abuurtay ama ay gacmaha kula jirto dawladda fadaraalka Soomaaliya.

47c8a1

Madxaweyne Xaaf ayaa suurto geliyey in la mideeyo labaddii garab ee ay xarumaha u ahaayeen Cadaado iyo Dhuusamareeb, wuxuuna heshiiskaas suurto geliyey in Maamulka Galmudug uu u guuro kuna shaqeeyo caasimadiisii oo uu san awal tagi karin.

Heshiiskii Galmudug iyo Alhusunna ee Jabuuti waxay labada dhinac ku saxiixeen Villa Somalia iyadoo uu goob ka ahaa madaxweyne farmaajo, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Dhuusamareeb ayna kasoo qaybgaleen Madaxweyne farmaajo iyo madaxda dawlad goboleedyada ayaa markhaati looga ahaa midowgii labadaas garab.

Hadda waxay maraysaa in Galmudug labo garab ay u kala jabiso dawladda fadaraalku, iyadoo Gudoomihii xilka laga qaaday iyo madaxweyne kuxigeenkii gaysan cadaado halkaasna ay kaga dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf .

Hadaba waxaa in la iswaydiiyo mudan maxay ka macaashaysaa dawladu dabkan ay afuufayso?

Dhacdooyoinkii u dambeeyey ee Galmudug

13 sep 2018-Dhuusamareeb: Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayey xilka kaga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

15 sep 2018-Dhuusamareeb: 97 Xildhibaan oo Galmudug ah ayaa Mooshin ka gudbiyey Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

15 sep 2018-Cadaado: Gudoomiyihii xilka laga qaaday Cali Gacal Casir ayaa shaaciyey in 47 xildhibaan ay xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf

16 sep 2018-Cadaado: Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ku amray Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug inay si deg deg ah ku kusoo galaan Magalada Cadaado, hoos ka akhriso warqada:

47c8a

Puntlandes.com

About The Author