Daawo Video-sawirro: Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan Isimada beelaha Harti ee DDS oo gaaray Jigjiga.

16 Sep 2018 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan qayb ka mid ah Isimada beelaha Harti ee dega Gobolka Doolla ee deegaanka Soomaalida ayaa gaaray jimcihii, 14kii sep 2018ka magaalad Jigjiga ee caasimada DDS ee dalka Itoobiya.

Isimada wafidiga hogaaminaysa ayaa kala ah Amir Mahamuud Yuusuf, Suldaan Cabdiqani suldaan Hasan Xaaji, Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire, Suldaan Cabdi Bile Warsame, Suldaan Xassan Urur Dabeey iyo Ugaas Ibrahin Cabdi Xaashi-Albaab, waxaana wafdiga ka mid ahaa Nabadoono iyo cuqaal gaaraya ilaa 50.

Issimada Gobolka Doollo oo socdaalka ku marayay magaalada Jigjiga ayaa waxay la qaateen shir ballaaran beelaha Harti ee ku nool caasimada dowlad deegaanka somalida ee Jigjiga. Kulankaas oo looga wada hadlayay nabada iyo horumarinta deegaamada beelhaasu ay ka dagan yihiin gobolka Doollo.

Socdaalka Isimada ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu deegaanka Soomaalida uu ka hano qaaday isbedel xagga maamulka ah madaxweynaha Somali State loo doortay Madaxweynaha Mustafe Cumar.

Beelaha Harti ee gobolka Doolla ayaa isku afgartay midnimo iyo ka shaqaynta nabadgalyada gobolka, iyadoo lala jaanqaadayo naacawda wanaagsan ee xambaarsan isbedelka ka dhacay DDS.

Daawo muuqaal

Daawo sawirrada
1

1a

1ab

2

3

4
Puntlandes.com

About The Author