Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Amniga Muqdisho oo xumaaday

17 Sep 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan ay uga doodayaan xaalada amniga Muqdisho, oo aad usii xumaatay maalmihii dambe.

9

Xildhibaanada ayaa xalay farriimo qoraaleed loogu diray ajandaha kulanka maanta oo ah amniga magaalada Muqdisho. waxaana la filayaa inay dood adag ka yeeshaan amniga Muqdisho.

Habeen hore ayay aheyd markii Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Golaha Shacabka uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfeer, waxaana qaraxaas ku dhintay darawalkiisa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho uu fara ka baxay aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan.

Puntlandes.com

About The Author