Shirkii amniga qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee maanta dhici lahaa oo u baaqaday kadib diidmadii….

17 Sep 2018 (Puntlandes) Waxaa maanta oo ay taaariikhdu tahay 17ka sep 2018 baaqday Shirkii golaha amniga qaranka ee  uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyadu ku gacansayreen.

10

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray 9-kii bishaan, oo ahayd maalintii xigtay markii Madaxda Iskaashiga dawlad Goboleedyadu ay warmurtiyeed ku sheegeen in y hakiyeen xiriirka Dowladda federaalka kala dhaxeeya, waxau uu ku ballamiyay shirka Golaha Amniga Qaranka inay 17-ka bishaan ay Muqdisho u yimaadaan.

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin ayaa 14-kii Bishaan qaadacay ka qaybgalka shirka golaha amniga qaranka.

Inkastoo Dowladda Federaalka aan wali ku dhawaaqin baaqashada shirka oo ay diidan tahay inay qirato fashilkaas, hadana shirkaas waa uu baaqday.

Puntlandes.com

About The Author