Akhriso Wasaaradda Arrimaha gudaha oo digniin u dirtay D Goboleedyada xiriirka u jaray, sheegatyna inay caawinayso!!!!

17 Sep 2018 (Puntlandes) Qoraal ila qosol ah ayaa wuxuu kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, taas oo ay ugu digayso uguna hanjabayso Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada oo 8dii bashan xiriirka u jaray DFS.

11

Hoos ka akhriso qoraalka

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalaynta iyo Dib-u-Heshiisiiinta

Dimoqraadiyaynta iyo Federaalaynta Dalka

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socotaa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin  lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqayaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhamaad

About The Author