Daawo Video: RW Khayre oo diiday wadahadal u furma Golaha Iskaashiga & DFS

17 Sep 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraga dawladda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay ka hadlay munaasabad lagu daahfurayey barnaamijka Iskaaa wax u qabso ”Isxilqaan” ee ay wada dawladda Farmaajo ayaa diiday wadahadal u furma Golaha Iskaashiga & DFS.

42c9a1

Maalma ka hor ayaa Golaha Iskaashiga Goboleedyada dalka Soomaaliya waxay sheegeen in wadahadal dhexmara DFS ay tahay in gacan sadexaad ku jirto iyo in shirka lagu qabto meel amni ah, halkan ka akhriso amnigii Muqdisho oo faraha ka baxay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa isagoo ka jawaabaya qodobada kore waxa uu qaadacay in shirka lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn iyo in ay goobjoog ka noqdaan gacan sadexaad.

Khayre ayaa sidii caadada u ahayd ku dooday inuu haysto codka shacabka Soomaaliyeed, uusana u baahnayn dawlad goboleedyada.

Daawo muuqaalka


Puntlandes.com

About The Author