Muuqaalo: Kulankii Golaha Shacabka oo xukuumada RW Khayre si xun loogu weeraray (qaar ka mida weerihii & muuqaalkii xildhibaanada)

17 Sep 2018 (Puntlandes) Kulanka Golaha Shacabka ayaa maanta 17ka sep 2018 ka dhacay xarunta golaha ayna soo xaadireen 168 xildhibaan, ayaa waxaa looga hadlayaa amniga magaala Muqdisho koonfurta Soomaaliya oo faraha ka baxay.

9

Xildhibaanada hadlay ayaa Doodda khudbado aad u kululaa oo ku foorara hogaaminta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada ka jeediyeen kullanka oo qoraal iyo muuqaal ah.

Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi “qorshihii amniga ee RW Khayre noo keenay wuxuu noogu sheegay in aan kula xisaabtano 18 bilood kaddib haddii uu Amniga wax ka qaban waayo, isagaa na yiri intaas nagu qiimeeya oo nala xisaabtama”

Saleeebaan waxaa uu intaas ku daray ”wax ay soo kordhiyeen ma jirto, wakhtigii ay qabsadeena waa dhammaaday, marka intaas wax ka badan yaysan dadka wakhti ka lumin ee dadka haka hor waregeen”

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore “aniga nin Istaafkayga ayaa sitimaan ka hor ifeeray, Gudoomiyuhu markhaati buu ka yahay sababtuna waa ninkaas ..4 bilood mushahaar lama siin”
Daawo Xil Boqore

Xildhibaan Warsame Joodax ”Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan”

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle ”Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan”
Daawo khudbadii Xil Afaraalle

Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux  waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ”Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan”

Xildhibaan Cismaan Xaaji ”Dowladu jidkay ku carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday, waxaana cadayn u ah iyadoo la is dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro, xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan”

Xildhibaan Maxamed Ganey “fadlan Ra’isul wasaare  is casil waad fashilantay, shaqada dowladu waxay ku soo arurtay Facebook iyo Twiter”

Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Alshabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”.
Daawo khudbadii Xil Ganey.

Xildhibaan Caasho Koos “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.”

Xildhibaan Cismaan Xaaji “waxaana maraynaa in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa”

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi “Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan,  Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa,  isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg.  Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa”

Fiqi waxaa uu intaas ku daray  “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada,  sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay  darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo,  mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay”
Daawo khudbadii Xil Fiqi

Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe ”Shacabku markay ku hungoobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Alshabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen inay Alshabaab iska laaluushaan”

Aadan madoobe waxaa uu intaas ku daray “waxaan u jeednaa mas’uuliyaddii loo igmaday madaxda inay gabeen, oo dalkii maanta ku noqaon rabo in Alshabaab dib noo qabsadaan, in maanta aduunyadii naga joogsato, waxa soo s ocda waa loo jeedaa, shirarkii socday oo dhan markii dawladii iyo dawlad goboleedyadii laga go’een aduunyadii waa joojisay, waxaas oo dhan waa ka warqabnaa, cid kaa aamisaysa dawlad goboleed xamar ma aha ma jirto, haddii madaxweynihii min Bosaso ilaa Dhoobleey dhexdooda amarkiisa ku soconayn, see ku yahay madaxweynihii dalka?”

Daawo khudbadii Xil aadan Madoobe

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise:  Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa”
Daawo xil khudbadii Xil Carab

Puntlandes.com

About The Author