Akhriso Dawlad goboleedyada oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka dambayso Xaalada qasan ee Galmudug

18 Sep 2018 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada qasan ee ka taagan Galmudug iyo kaalinta dowladda Federaalka.

35c2

War saxaafadeedka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ku taariikheysan 18ka September ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Galmudug, isla markaana qeyb ka tahay dhaq dhaqaaqyada aan wax dhiseyn ee ka socda.

Golaha Iskaashiga ayaa si gaar ah u soo qaatay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka in Madaxweynuhu ugu yeeray Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hishabeelle inuu kala shaqeynayo Danta Guud, taasna ay daliil cad u tahay waxa ka socda Galmudug.

Waxaa uu Golaha soo dhoweeyay Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, isagoo ku baaqay in dowlad goboleedka Galmudug loo madax banaaneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wixii caqabad ku ah heshiiskaas.

Akhriso War saxaafadeedka

22

23

Puntlandes.com

About The Author