Akhriso Dooda Xildhibaanada ee arrimaha Amniga & Ra’iisul Wasaaraha oo la dalbaday in loo yeero

18 Sep 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii labaad dood kulul ka leh xaalada amniga ee magaalada Muqdisho iyo tan dalka, iyagoo eedeymo culus u soo jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

9

Dooda Xildhibaanada oo aheyd mid lagu kala aragti duwanaa, hadana Xildhibaanada aadka uga hadlayay dhaliilaha loo jeedinayay wax ka qabashada xaalada amniga ayaa aad u badnaa.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in garoomaddii kubadda cagta lagu xiraayay ay Al-Shabaab xireen, isla markaana aan loo baahneyn in dadka la sirin sida uu yiri.

“Anniga waxaan codsanayaa si cad oo aan gambad lahayn Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa dalka isaga tagaan wax waa qaban waayeene”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/xakiin.

Sidoo kale Xildhiban Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in mar hore ay aheyd in Xildhibaanada ay aqriyaan qorshaha Xukuumadda ka hor inta aan la ansixin, isagoo xusay in dhibaatada ka dhalatay ay hadda muuqato.

Waxaa uu sheegay in arrimaha hada laga hadlayo ee Amniga 10-sano ka hor laga hadlayay, isagoo tilmaamay in aan Amni fiican la heleyn illaa dhaqaale laga helo.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ayaa soo jeediyay in Xukuumadda lala xisaabtamo, isla markaana wax kasta oo xaalada dalka la xiriira wax laga weydiiyo.

Xildhibaan Zakariye Xasan Cali ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaaraha loo yeero, waxna laga weydiiyo qorshihiisa amniga iyo balan-qaadkiisa 30-ka maalin ee Amniga.

Dooda Xildhibaanada oo ah mid weli socota ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo, isla markaana Guddoonka uu soo saaro go’aan ku aadan doodii Xildhibaanada cida ay tahay in wax laga weydiiyo iyo haddii dhaliilaha iyo cabashada loo saarayo Guddi.

Puntlandes.com

About The Author