Xildhibaan Beene Beene “Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka sugayaan inuu horyimaado golaha”

18 Sep 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka inay hurdada ka kacaan, isla markaana la soo laabtaan doorkooda la xisaabtanka Xukuumadda, isagoo caddeeyay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaatay doorkoodii la xisaabtanka.

40

Xildhibaan Beene Beene ayaa sheegay in Golaha Shacabka looga baahan yahay inuu la xisaabtamo Xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraheeda.

Xildhibaan Beene Beene ayaa yiri “Waxaa layaab ah in la xisaabtan la’aanta Golaha Shacabka in Ra’iisul Wasaaruhu uu isaga la xisaabtamo Wasiiradiisa, inta wasiir walba saddex daqiiqo u yeero oo sawiro laga qaado, aaway doorkeenii, waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada inay hurdada ka kacaan”

Dhanka kale waxaa uu sheegay in dalka aanay ka jirin xasillooni siyaasadeed, isla markaana tusaale u soo qaatay heerka ay kala taagan yihiin Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka sugayaan inuu hor-yimaado, balse aanu shacabka laga keenay degmooyinka hadalo loogu sacbo tumayo ka jeedin.


Puntlandes.com

About The Author