Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin loogu yeerayo Ra’iisul Wasaaraha

20 Sep 2018 (Puntlandes) Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Mooshin Soo jeedin u yeerid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

30

Waxaa Mooshinka saxiixday ilaa 23 Xildhibaan kaas oo lagu dalbanayo inuu Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan soo jeedin u yeerid ay ka keeni karto Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay dood kulul ka lahaayeen amniga dalka, iyadoo eedeymo culus u soo jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Puntlandes.com

About The Author