Sawirro: Beesha Aadn Siciid oo Qado-sharaf u sameysay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Beesha Aadan Siciid oo ah mid kamida beelaha dega Gobolka Sanaag ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 Sep 2018 waxay marti qaad u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii balaadhan ee uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa martiqaadka kala qayb galay, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdislaam Suldaan Maxamuud Cali Shire, Garaad Cabdullaaahi Cali Ciid, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Beesha Aadan Siciid marti qaadka ay u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdigii lasocday ayaa imaanaya xili maalintii Sadexaad uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dolwadda Puntland magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii qado sharafta ayaa uga mahad celiyay martiqaadkan ay sameeyeen Beesha Aadan Siciid, wuxuuna madaxweynuhu beesha uga tacsiyadeeyay geerida ku timid suldaankii beesha Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay bulshada Badhan soo dhaweentooda wanaagsaneed isla’marahaantaana tibaaxay in soo dhoweynta iyo marti soorku yahay mid ka mida dhaqamada wanaagsan ee ay leedahay Dowladda Puntland.

74

74a

74a1

74a2

 

74a4

74a5

74a6

74a7

74a8

74a9

74a10
Puntlandes.com

About The Author