Sawirro:Wasiirka Maaliyadda Puntland Abdulahi Carshe iyo Wafti uu hogaaminaayo oo Booqaday Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan.

22 sep 2018 (Puntlandes) Booqashada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ee Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan ayaa qayb ka ahayd ogaan shaha Xaalada dhab tah ee Garoonka, Hab usocdka shaqada,Baahiyaha ka jira iyo la kulanka Masuuliyiinta Garoon
.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/qaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) booqashada garoonka waxaa ku weheliyay Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland C/risaaq Siciid Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

C/qaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) kadib markii uu gaaray Garoonka ayaa waxaa hal kaasi ku soo dhoweeyay Taliyaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan Gaashaanle Dhexe Sugule Yuusuf Cabdi kariin

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Taliyaha ka dhagaystay xogo kala duwan oo isugu jira Hurumarka Garoonka iyo baahiyaha kala duwan ee ka jira waxana Gaashaale Dhe Sugule uu Wasiirka Maaliyadda uga mahad celiyay dhisme dhowaan laga hirgaliyay Garoonka oo Ciidamudu baahi u qabeen Wasaaradda Maaliyduna hirgalisay.
.
Wasiirka Wasaaradda Maaliydda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa balan qaday in ay si dhakhso ah Hadii ale idmo wax uga qaban doonaan baahiya kale ee ka jira Garoonka Madaxda iyo Ciidamadana looga baahan yahay in ay sii kor dhiyaan Dadaalkooda Shaqo.

 

69

70

71

72

73
Puntlandes.com

About The Author