Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Badhane ee xarrunta Gobolka Sanaag Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, isimo iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Badhan.

Alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku geeriyoodey magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaana uu marxuumku kamid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ee jecel nabadda, ka shaqeynta horumarinta Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag oo uu kasoo jeedey marxuumku.

Madaxweyanha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil, isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Anoo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland xukuumad, baarlamaan, xeer dajin iyo shacbiga reer Puntland meel walaba ay joogaanba inaan tacsi u diro qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil, oo maanta ku dhintay degmada hadaaftimo ee gobolka Sanaag, Allaha ha u naxariisto Suldaanka dadkii iyo eheladii u ka dhintayna samir iyo imaan Alle haka siiyo dhamaanteena Alle samir hanaga siiyo, dhamaanteen buu naga wada dhintay, suldaanku qof ehlu khayra oo nabad galyada ka shaqeynayey buu ahaa Alle ha geeyo meeshuu hada ka tagay meel ka fiican anagana dhamaanteen Alle ha nooga daba naxariisto” ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsan Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

75

75a

75a1

75a2

75a3

75a4
Puntlandes.com

About The Author