Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday shirka golaha guud ee QM sanadkii 2aad

22 sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qayb-galka shirka golaha guud ee QM ee 25ka bishan ka furmaya xarunta QM ee magaalada New York.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka baaqday kulankii sanadkii tagay, laakiin waxa uu kani uga sii duwan yahay, kii hore waxaa ka qayb galay oo ku matalayey madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sanadkan isna ka baaqday.

Waftiga Soomaaliya ee kulanka guud ee QM ayaa waxaa hogaamin doona wasiirka arimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, isagoo matalaya madaxweyne Farmaajo halkaas ka jeedin doona khudbadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, hoos ka akhriso.

47

Sababta ay uga baaqdeen shirka?

Madaxweynaha ayaa hadda la daalaa dhacaya fashil iyo culayskii ugu darnaa ee soo wajaha intii uu la wareegay xilka hogaaminta dalka, iyadoo ay dhamaan dawlad goboleedyada dalku ay xiriirkii u jareen uuna kusoo ururay madaxweynaha magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna dhankiisa waxa uu la daalaa dhacayaa Culays iyo Mooshin uga furan dhanka golaha Shacabka, iyadoo ay xildhibaanadu ku eedeeyeen inuu ku fashilmay Amnigii iyo hogaamintii dalka.

Puntlandes.com

 

About The Author