Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka warbixinaya safarkii Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag, mashaariicdii xariga laga jaray, kuwa cusub, goobihii Madaxweynuhu booqday & arimo kale

22 sep 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka warbixinaya safarkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas ee Gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan, mashaariicdii xarga laga gooyay kuwa cusub oo la dhagax dgigay iyo goobihii Madaxweynuhu booqday.

40

Qarjab ayaa ugu horayn ka tacsiyeeyey geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid shalay Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Qarjab ayaa sheegay inuu safarka madaxweynuhu uu daaranaa kormeer guud oo uu u kuurgalayey gobolka Sanaag iyadoo ay ku weheliyaan safarka labada golae ee dawladda.

Wasiirka ayaa ku amaanay shacabka gobolka Sanaag inay yihiin shacab ka midaysay horumarinta gobolkooda dadaal xoog lehna u galiyey arintaas.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka kale ee gobolada kale ee Puntland inay ku daydaan shacabka gobolka Sanaag ka shaqaynta horumarka iyo la shaqaynta dawladda.

Dhanka kale wasiirka ayaa hadlay dad dano gaar ah leh oo si qaldan u faristay hadal uu madaxweynuhu uga hadlay Argagixida Alshabaab iyo sidoo looga ciribtiri lahaa Puntland, kuwaas oo hadlkii madaxweynaha la aaday qabiil ama deegaan goonoi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynuhu ka hadlay Alshabaab guud, ayna run tahay inay Alshabaabta buuraha ay ka yimaadeen dhawr magaalo oo uu madaxweynuhu uu carabaabay ayna qalad tahay in la difaaco Alshabaab.

Qarjab ayaa yiri ”kuwii difaacayey ama waa Alshabaab oo iska dhigaya shacabka reer KGS ama waa dad aan waxba garanayn”

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author