Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo ku wareejiyey wafdi Aqalka sare qoraalo ay ku cad yihiin tabashada dawlada Soomaaliya

22 sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku wareejiyey wafdigii Aqalka sare ee Dhuusamareeb gaaray qoraalo ay ku cad yihiin tabashada ay Galmudug ka tabanayo dawlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan sagootin ah maanta u sameeyay Wafdi ka socday Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, una tagay Dhuusamareeb si ay wax uga ogaadaan khilaafka dawladda Soomaaliya iyo dawlad Goboleedyada. Xaaf ayaa sheegay in loo baahanyahay in dowlada Soomaaliya iyo dawlad Goboleedyada arintooda la dhameeyo oo xal laga gaaro.
Senator Cabdi Qaybdiid oo ka gudoomay Madaxweynaha qoraalada ay ku qoranyihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug kaga cabanayo Dowlada ayaa waxa uu yiri “Galmudug waa ay xaqiran tahay waana la dulmiyay, dowlada hada jirta kaliya ma ahee dowladihii hore baa xaqiray, anagu ergo baan nahay ergana fariintii loo dhiibay beey gudbisaa, waxaan geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleynaa in aan arintiina Gudbino”

 

Waxaa xusid mu dan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu maanta soo saaray qoraal uu wax uu ugu yeeray madaxda Galmudug ku casuumay kullan deg deg ah inay Muqdisho isugu yimaadaan Isniinta saadambe ah oo ay bishu tahay 24ka sep 2018ka.

76

76a

76a176a2

76a3
Puntlandes.com

About The Author