Daawo Video: Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka dacwoonaya Madaxweyne Gaas oo Xamar hoos geeyey

Wasiirka Qorsheynta Dowlada Puntland Faatax Maxamed Cali ayaa uga dacwooday Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” in aan waxba gacan ugu jirin.

Wasiir Faatax ayaa arrintan sheegey ka dib markii uu kala kulmay Madxweyne Gaas hadalo kulul madasha shirkii lagu sheegey inuu yahay la xisaabtanka Xukuumada Puntland .

Waxaana uu sheegey in Xamar kala wareegay mashaariicda deeqaha caalamiga ee wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ay waday.

Taageerayaasha Dr Gaas ee ku murma in Isbedelkii ka dhacay Puntland 8 jan 2014 uu Horumar, cadaalad keenay ha daawadaan Videogan, ha ogaadaan in aysan Qarin karin meesha uu Puntland madaxweyne Gaas dhigay iyo BUR BURKA uu ku wado. Waxay Puntland ahayd dawlad ay Rukuno adagi u taagnaayeen dad dawladnimada jecela leh ee 6 bilood wax ka yar bay ku BUR buri lahad, hadana si xawli ah ayey hoos iyo wadadii BUR BURKA  ugu socotaa

Hoos ka daawo cabashada Wasiirka 

Puntlandes.com

About The Author