Yariisoow oo Guddiga Xuduudaha oo ka dalbaday in Soohdimaha Muqdisho la gaarsiiyo Balcad & Afgooye

29 sep 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha gobolka banaadir isla markaasna ah Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa maanta ka wada hadlay ballaarinta Soohdimaha ay Muqdisho.

Yariisoow ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay ku ballaarato oo ay hoosyimaadaan ,Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, lana gaarsiiyo soohdinta Muqdisho Balcad iyo Afgooye.

“Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”.

Labadaan degmo ee uu Yariisoow ka codsaday guddiga ayaa waxay hoos tagaan gobolada Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhexe oo ka kala tirsan dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Wali kama aysan hadlin KGS iyo HirShabeelle dalabka yariisoor ee ah in la hoosgeeyo gedmooyinka Balcad iyo Afgooye.

25 25a

Puntlandes

About The Author