Wasiir C/rashiid “Dowladda Fadaraalka waxay ku mashquushay Facebook, Amniga dalka waxba kalama socoto”

30 sep 2018 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa ku eedeeyay dowladda Fadaraalka Soomaaliya in aanay waxba kala socon xaalada ammaan ee uu dalka ku sugan yahay.

58

Wasiir C/rashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aanay ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka qaraxyo ku dileen

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsan tahay kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraalada ku soo qora Facebook ee buun buuniya iyada oo aan waxba qaban.

“Ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaal galaayo ee aan laga war qabin oo laga jecel yahay kaliya 10 qof ama 20 qof qoraal ay Facebook soo dhigaan in la buun-buuniyo, halkaas”ayuu yiri C/rashiid Janan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay dowladda Soomaaliyeed aanay xilligan la socon waxa ka socda dalka sida kan wax dilay iyo kan la dilay, kaliyana ku mashquulsan tahay baraha bulshada.

Puntlandes.com

About The Author