Sawirro: Geba Gebada Safarka Madaxweynaha Puntland & Weftigiisa ee Goboladda Kar-Kaar, Sanaag iyo Bari

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa 18 Sep 2018 safar shaqo kusoo gaadhay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo gaadhey guhada magaalada Qardho waxa uu soo kormeeray cisbitaalka weyn ee magaaladaasi, kaasi oo uu ku socdo dhisme, dhismehaas oo Madaxweynaha Dowladda Puntland uu dhagax dhigay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhanaa ee uu hogaamianyo ayaa 19 Sep 2018 safar shaqo oo taariikhi ah ku gaadhay gobolka Sanaag, weftiga Madaxweynaha ayaa sii maray magaalooyinka Cawsane, Middigale, Gumar, iyo Rad.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa waxaa ay ugu horayn kormeereen barta ay yaaliin qalabka daamurka lagu saarayo wadada Ceeldaahir -Ceerigaabo oo yaal duleedka magaalada Ceeldaahir, halkaasi oo madaxweynuhu kula kulmay qaar kamid ah guddiga wadada iyo farsamayaqaanada wadada dhisaya, masuuliyiintaas oo madaxweynuhu kula dardaarmay inay wejiga labaad ee wadada sida ugu dhakhsaha badan dhamaystiraan.

Madaxwenaha Puntland iyo weftigiisa ayaa intaasi kadib ayaa ukicitimay magaalda Badhan oo safarkiisu ku wajahnaa, iyaga oo kusoo hakaday magaalada Cowsane,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen guddoomiyaha gobolka Sanaag, masuuliyiinta magaalada, Isimo, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaalada Cawsane oo dhammantood banaanka magaala u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka magaalada Cawsane ayaa uga mahad celiyey soo dhoweynta heerkeedu sareeyo ee ay ku qaabileen Madaxweynaha iyo weftigiisa,
Weftiga Madaxweynaha oo sii wata safarkooda shaqo ayaa gaadhay magaaladda Middigale, halkaasi oo madaxweynaha iyo weftigiisu ku lahaayeen quraac sharafeed.

Magaalada Middigale ayas si balaadhan loogu soodhoweyey Madaxweynaha, soo dhoweyntaas oo ahayd mid mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa laga dheehan karayey shucuur wanaagsan oo ay ka muuqado rabitaan dawladdnimo, shacabkaas  Madaxweynha Dowladda Puntland ka aqbalay codsi ay usoo gudbiyeen oo ah in magaalada Midigale laga dhigo degmo, maadaama Middigale tahay magaalo muhiim ah oo ku haboon degmo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen nabadoono, masuuliyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Madaxweynaha ayaa magaalada Rad kula kulmay shacab qaxootiya oo kasoo qaxay Itoobiya, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo shacabka magaalada.

Madaxweynha Dowladda Puntland iyo weftigiisa ayaa hore ugu sii gudbay magaaalada Gumar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa safar koodii shaqo ee taariikhiga ahaa kusoo gaadhay gelinkii hore ee 19 Sep 2018, magaalada Badhan ee xarunta ku meelgaadhka ah gobolka Sanaag.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala madaxda gobolka Sanaag ee degmada Badhan, waxaa kusoo dhoweeyey maamuulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Badhan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa kuyaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire, halkaasi oo Suldaanku Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka Sanaag, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhda ka gashay baal dahab ah.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugaga mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabnimadii Arbacada oo taariikhdu ahayd 19 Sep 2018 waxaa uu xadhiga ka jaray Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey munaasabada xadhig jarka jaamacadda maahkir Guddoomiyaha Golaha wakiilkada Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud, qaar kamida Goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Jaamacadda Maakhir, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Jaamacada Maakhir oo dhismeheedu ka kooban yahay ilaa 7 qaybood ayaa labilaabay aasaasideeda sanadii 2010, waxaana markeedi hore lagu bilaabay iskaa wax u qabso oo ay hormuud u ahaayeen bulshada ku dhaqan Badhan, sanadku markuu ahaa 2015 ayaa Dowladda Puntlnad oo kaashaynaysa Dowladda Kuweit ay dhidibada u taagtay dhismaha Jaamacada Maakhir oo maanta xadhiga laga jaray.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 20 Sep 2018 kormeeray Xarumaha Dowladda ee degmada Badhan, Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, guddoomiyaha gobolka Sanaag, maamulka degmada, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Goobaha uu kormeeray Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa xarumaha Wasaaradaha, Degaanka, Waxbarashada, Haweenka, Caafimaadka, iyadoona uu Madaxweynuhu ka dhegaystay dhammaan masuuliyiinta wasaaradahaasi warbixino ku aadan shaqooyinkooda iyo xaalada gobolka, isla markaana waxaa uu ku booriyey shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda inay sii laban laabaan oo ay uga soo dhalaalaan si hagar la’aan ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla 20 Sep 2018 kulan kula yeeshay degmada Badhan Golaha Wasiirada Dowladda Puntlnad iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha dowladda Puntland ee gobolka Sanaag, kulanka ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo kan degmada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha, dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo ka qabsoomay markii ugu horaysey degmada Badhan ay uga hadlidoonaan xaalada guud ee gobolka, ajandahana ay ku jirto baahiyaha iyo guud ahaan siyaasadda gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla 20 Sep 2018 waxaa booqasho ku tagay qabuurta awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil iyo ayeeyo Doonbiro Dir oo ku aasan Deegaanka Haylaan ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqday qabriyada Awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil iyo ayeeyo Doonbiro Dir  ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamida culumada gacanta ku haysa qabriyada Awoowe Sheekh Daroood iyo ayeeyo Doonbiro Dir wuxuuna ka xog wareestay xalada guud ee deegaanka, isla’markaana madaxweynaha ayaa u duceeyay  Awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil iyo ayeeyo Doonbiro Dir inuu janadii fardowso Alle ka waraabiyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa habeenimadii khamiista 20 Sep 2018 waxaa uu Dagmeda Badhan bulshada ku dhaqan kula caweeyey mid kamida meelaha ay bulshadu ku caweyso ee faras magaalaha magaalada Badhan.

Intii uu Madaxweynahu ku sugnaa Degmada Badhan ayaa waxaa uu kulamo laqaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Badhan sida dhalinyarada, cuqaasha, ururada bulshada, iyadoona kulamadaasi looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka Degmada Badhan iyo tan Gobolkaba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Subaxnimadii Jimacaha 21 Sep 2018 kulan muhiima la qaaday  ardayda Jaamacadda Maakhir, isla’markaana madaxweyanaha ayaa khudbad taarikhi ah halkaasi uga jeediayey ardayda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla 21 Sep 2018 waxaa uu dhagax dhigay dhismayaasha Airport ka magaalada Badhan oo ah mid hada si xawli ah ushaqeeya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda, Xanaanada Xoolaha, iyo Jeelka magaalada Badhan oo dhismihiisu socdo, laguna dhisay iskaa wax u qabso oo ay sameeyeen bulshada magaalada Badhan, iyadoona Madaxweynuhu uu ka dhegaystay dhammaan masuuliyiintii xarumahaas warbixino ku aadan shaqooyinkooda iyo xaalada goobaha ay ka hawl galaan, isla’markaana uu ku booriyey shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda inay sii laban laabaan.

Beesha Aadan Siciid oo ah mid kamida beelaha dega Gobolka Sanaag ayaa isla malinimadii jimcaha 21 Sep 2018 waxa ay marti qaad u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii balaadhan ee uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 21 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Badhane ee xarrunta Gobolka Sanaag Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku geeriyoodey magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaana uu marxuumku kamid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ee jecel nabadda, ka shaqeynta horumarinta Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag oo uu kasoo jeedey marxuumku.

Madaxweyanha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil, isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinimadii sabtida 22 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xaarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo kasoo kicitimay magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag oo uu maalmihii ugu danbaysay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland maamulka Degmada Boosaaso iyo kan Goblka Barri Saraakiisha ciidanka gobolka, ganacsato, iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dolwadda Puntalnd.

Waxaa maalinimadii Axada oo ay taariikhdu ahayd 23 Sep 2018 qasirga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin oo xilkaasi loo magacaabay 13 September 2018.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinimadii Axada oo ay taariikhdu ahayd 23 Sep 2018 magcaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

Waxaa maalinimadii isniinta oo ay taariikhdu ahay 24 Sep 2018 qasirga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal, Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal, xilkiina ka qaaday taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabis taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal iyo xili ka qaadis taliyaha qaybta Booliska Gobolka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla  24 Sep 2018 kormeeray xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha degaanka degmada Boosaaso oo dhowaan lasoo dhisay.

Sidoo kale madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana madaxweynaha warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla’marahaantaana madaxweyanaha ayaa sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla 24 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe), aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Marxuun Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo ahaa sargaal katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey, saraakiil ka tisan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweyanha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe), isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

Madaxweynyaha Dowladda  Puntland ayaa 26 Sep 2018 Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku Timi Ugaas Ibraahin Cali Shibin “Maakhiri” oo ku geeriyooday magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isla 26 Sep 2018 waxaa uu  si buuxda shacabka iyo Dawladda Koonfur-galbeed ee Soomaaliya kaga raali galiyey hadalkii ay dhibsadeen, kaasoo quseeyay cadawga Puntland iyo Koonfur-galbeed ee Alshabaab.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 29 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo isbuucyadii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Barri oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu isbuucii ugu danbeeyay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamaida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, ganacsato iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dowladda Puntalnd.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

Mahad ilaah baa iska leh inaan maanta ku soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe anoo safar qaatay in kabadan 10 berri ku soo qaatay gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Barri, safarkaasi wuxuu ahaa safar aan ugu kuur galayay xaaladaha goboladaas dhan amni, dhan dhaqaale iyo dhan hormarineed intaba, waxaanu maalin joognay magaaladda Qardho oo aanu u kuur galnay mashaariic ka socotay oo uu kamid ahaa isbitaalka Qardho, ka bacdina waxaan safar ku aadnay gobolka Sanaag oo aanu sii marnay Tuulooyin badan oo gobolka katirsan iyo ugu danbayntii magaaladda Badhan oo aanu ka daahfurnay Jaamacadda Maakhir iyo mashaariic kale, waxaan soo aragnay dad reer Puntland ah oo aan quluubtoodu meelkale jirin guul buuna safarkaasi noogu soodhamaaday.” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay u tageen  magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari si ay ugu kuur galaan xaaladda guud ee gobolka iyo in maadaama gobolku yahay halbawlihii dhaqaalaha Dowladda Puntland in xaaladdiisa lala socdo.

 

                                                                                         

Puntlandes.com

About The Author