Sawirro: Madaxda Hirshabelle oo Muqdisho kula kulmay xubno ka socda Aqalka Sare

30 sep 2018 (Puntlandes) Madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa Muqdisho kula kulmay Guddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka dawlad goboleedyada iyo dowlada fadaraalka.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle halka guddiga Aqalka Sare uu hogaaminayay Senatar Maxamed Xuseen Raagge.

Kulanka intii uu socday ayaa labada dhinac waxa ay si weyn kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka maamulka curdunka ee Hirshabeele, xildhibaanada ayaa sido kale warbixino ka dhageystay madaxada Hirshabeele.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u sheegay guddigan in dhowaan ay madaxda dowlada fadaraalka ah ka heshiiyeen arrimo hoose oo u gaar ah dowlad goboledka Hirshabelle balse arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka iyo arrimaha dhamaystirka dastuurka ay kala mid yihiin maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare caqabadaha maamulkiisa haysta ee dhinacyada amniga iyo mid bulshaba waxaana uu guddigu ay sheegeen dhamaan waxyaabihii ay kala kulmeen mas’uuliyiinta Hirshabeele in ay kula laaban doonaan Aqalka Sare.

59

60

60a

60a1

60a2
Puntlandes.com

About The Author