Mustaqbalka Gobolka Mudug Puntland waa madaw.

Burburkii Soomaaliya kadib waxaa dhismay dawlad gobleedka puntland.waxaan orankaraa waxaa dhismahaa isugu tagay wax garadka dagan daaganada mudug,sool,sanaag, cayn iyo nugaal,bari oo ku heshiiyay in ay dalkooda iyodadkooda samatabixiyaan gaarsiiyaana hormar.

Waxaan la inkiri karin in siyaasiyiinta iyo shacabka mudug u dhashay ay ahaayeen hormuudka koobaad ee u heelanaa difaaca iyo nabad galyada mandaqada puntland iyo dhismaheedaba.hadaba mudug waxay xoog saartay isu keenka umada iyo midayntooda si loogaaro danta guud waxna loo wada dhisto. kolhaday sidaa tahay hogaamiyayaashoodii oo ay ugu tun roonaayeen laba ruugcadaa oo kala ahaa Madaxwayne Abdullaahi yusuf axmed ilaahay ha u naxariistee iyo Gen.maxamed jibriil muuse ilaahay ha u naxariistee. waxaad arkaysaa in qaybsigii xubnaha baarlamaanka puntland lagu dulmay gobolka mudug oo ah midka uugu dadka badan lana orankaro waa difaaca puntland isla markaana ah gobolka uugu xoolaha badan tanoo dhaqaalo farabadan ay ka hesho puntland. waxa uun lasiiyay wax kayar 9 xubnood.waa la afduubay xuquuqdii mudug oo odayadu waxay ka fakareen uun wada jirka dhan hadii laga eegana maxuma xiligeedaas.

Dhibaatada taagan baa waxay tahay madaxda puntland maxay u qabteen mudug? kuwa u dhashay gobolkuna waa uun kursi dangaara raadsigiis. puntland dhismaheedii mudug wax uu kahelay majirto!!! laakiin gaar ahaan nugaal iyo bari wax cad oo muuqda ayaa maamulku uqabtay kamana xumin ee waa maxaa diiday mudugna in la hormariyo oo xaqooda lasiiyo? waxaad arkaysaa in dagmooyin daayoo gobolo cusub lasameeyay intii puntland jirtay halka mudug dagmooyinkoodii dhismay xiligii burburka oo iminka laga joogo 25 sanadood in aan wali dagmo ahaan loo aqoon sanin arintan oo salka ku haysa siyaasad guracan oo aan garanayno. mudug ayaa leh 9 xubnood siyaaso weeye,dagmooyinkeeda in aan dagmo ahaan loo aqoon san siyaaso kale weeye.

Madaxwaynaha hada joogaa Mudane Abdiwali Gaas arimaha mudug waxaadba moodaa in uusan wax dan ah ka lahayn oo hada waxaanba maqlaynaa in mudug la raaciyay soomaali rabta in ay gobolada dhexe kasamaystaan maamul arintan oo ay wado dawlada fadaraalka soomaaliyeed oo cadaysay arintaa. marka shacabka gobolka mudug ee doonaya in dagmooyinkooda loo aqoon sado dagmo si buuxda oo sharciyan ah haday mudo sugeen lagan meer meeray oo si dadban loo diidanyahay sow kolkaa noqon mayso in dawlada fadaraalka ahi ka faa iidaysato fursadaas oo dagmadii rabta inta la aqoon sado la raacin maayo maamul goboleedkaa dhismaya? maxaa diidaya ileen soomaali fadaraal bay ugudbaysaa nin walibana waa xor ciduu doono raaci kara dagaan ahaan. sow hadaba khalkhal durba kuma jiro gobolka mudug mustaqbalkiisu? sow in dagaanadu dhexdooda is qabqabsadaan dhici mayso iyo kala jab? dadkaaga hadaadan kasban sow lagaa kaxaysan maayo maanta waxaa lamarayaa xili kala guur.

Macada mustaqbalka mudug!! dadka gobolkuna iyagoo isku duuban umataagna inay xaqooda raad sadaan iyaga dhexdooda ayaana laysku mashquuliyay nasiib daro.3 dagmo waa in dawlada puntland ay sida uugu dhaqsaha badan u aqoon sataa oo kala ah dagmada CAGAARAN,DAGMADA, BURSAALAX,DAGMADA DAARA SALAAM. intuba waa mudug.waxay ilatahay inay dan u tahay siyaaso iyo dhaqaalaba gobolka mudug iyo guud ahaan puntland. waa ognahay siyaasada cusub ee lamaleegayo ee ku saabsan aayaha gobolka mudug ee kasacota Mogdisho iyo Garoowe. balse waxaas oo dhan waxaa ka hortagi kara mudug oo isku duuban iyo madaxwaynaha puntland oo uugu horayn dagmooyinkaa xuquuqdooda deegaan siiya isla markaana gobolka mudug dantiisa guud wax u qabta inta uu kari karo ka maamul ahaan.markaa waxaa dhacaysa cidkastoo wax maleegta in mudug isku duubnaado ilaaliyana danaha guud ee dawlada iyo shacabka puntland. dawlada puntland ishaa lagu hayaa waxaana looga fadhiyaa arintaa korkuxusan hana ogaato in dhankooda waxa laga waayaa aysuuro gal noqon karto in meel kale laga helo nina nin geed uuguma xira soomaaliya maanta ee aqligu ha shaqeeyo. intani waa uun taageero wada jirkeena iyo isku duubnideena.

 

W/Q: Yuusuf Cumar

Email: Mashruuc5@hotmail.com

Daabacaada: Puntlandes.com

Formulärets nederkant

 

About The Author