Mukhtaar Roobow oo iska dhega tiray go’aankii aan sharciga waafaqsanayn ee DFS & Xaflad lagu taageerayo oo socota

06 Okt 2018 (Puntlandes) Waxaa ka socda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo Musharaxnimada Mukhtaar Roobow, iyadoo munaasabadan ay jawaab u tahay go’aankii aan sharciga waafaqsanayn ee dawlafdda Soomaaliya ku joojisay inuu u tartamo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

73a

Munaasabadda ka socota Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana taageero loogu muujinayaa Mukhtaar Roobow.

Dhaq dhaqaaqyada uu Mukhtaar Roobow ka wado Baydhabo ayaa xoogeystay, markii maalintii Khamiistii uu tagay, waxaa uu kulamo la qaadanayay odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka ayaa sheegaya inuu iska dhega tiray go’aankii dawladda Soomaaliya ku joojisay Musharaxnimadiisa, isagoo Mukhtaar uu ololihiisa si xawli ah uga wato Baydhabo. Haddii Mukhtaar laga reebayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha  KGS waxaa ka reebi kara Guddiga Doorashada maamulka KGS iyo maxkamada maamulkaas ee DFS Muqdisho qoraal kama soo saari karto ay musharixiina u fasaxayso kuwana u diidayso waana fudaydka maamulka Villa Somalia hada ka arimiya.

DFS ayadaa wadatay Mukhtaar iyadaana ku taageertay Musharaxnimadiisa hadana inay qoraal aan sharci ahayn kasoo saaerto waxba masoo kordhinayso, halkan ka akhriso Akhriso: Dawlada Somalia oo sheegtay in Beesha Caalamku ka hor-timid musharraxnimada Roobow

Puntlandes.com

 

About The Author