Barlamanka Galmudug oo guddoomiye cusub yeeshay

09 Okt 2018 (Puntlandes)  Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhigooda magaalada Dhuusamareeb waxay u doorteen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, Ismaaciil Cabdulle Axmad oo ka mid ahaa saddex musharax oo xilkaasi isu soo taagtay.

81

Doorashadan ayaa timid kadib markii hore ay qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug u sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen 137 mudane.

Musharaxiinta ku tartamay kursigan oo Saddex ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod, Xildhibaan Aadan Xaaji oo helay 37 cod iyo Xildhibaan Salaad Caynte oo helay 5 cod, wareegga Koowaad ee doorashada.

Wareegga Labaad inta aan loo gudbin ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee laga cod badiyay, waxaana sidaasi ay guddoomiye baarlamaan ugu doorteen xildhibaanada musharax Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod.

Isla xarunta baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Puntlandes.com

About The Author