Dagaal Caawa Tukaraq Ka Dhacay & Somaliland oo laga gubay tekniko

08 Okt 2018 (Puntlandes)  Wararka caawa kasoo gaaraya Tukaraq Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in iska hor-imaad khasaare sababay uu duleedka Tukaraq ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Xog aanu helnay oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Ciidanka Puntland ay kuwa Somaliland ka gubeen laba gaadiidka dagaalka ah ay ka dileen Askar kuewo kalena ka dhaawaceen, khasaaraha ayaa dhanka Puntland ah 1 askare oo ka dhaawacmay.

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee Puntland ayaa waxay galeen saldhig ay duleedka Tukaraq ku leeyihiin ciidaamda Somaliland kadibna ay gaarsiiyeen khasaaraha kore.

 

Puntlandes.com

About The Author