Madaxweynaha oo maanta booqaday magaalada Marka & Gud gobolka Sh/Hoose oo dhaliilay booqashadaas

14 Okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, isagoo halkaasi ku tagay booqasho lama filaan ah.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa Villa Somalia ku sheegtay dhiirrigelin Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay inuusan qeyb ka eheyn soo dhaweynta Wafdiga uu hogaaminayay.

Wareysi uu siiyay Idaacadaha ayuu ku sheegay Gudoomiyahu in Madaxtooyada Soomaaliya aan la soo socodsiin socdaalka Madaxweynaha, balse ay ka warheleen oo kaliya in Madaxweynaha ka dagay Marko.

wawqtigan waxaa jira khliaaf aad u xoogan oo u dhexeeya Villa Somaliya iyo dawlad Goboleedyada dalka Soomaaliya, iyadoo Koofur Galbeed Soomaaliya uu hoostago Ggobpolka uu madaxweynuhu booqday.

94a

94a1

94a2

94a3

94a4

Puntlandes.com

About The Author