Dhagayso: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo difaacay go’aanka ay DFS ku taageertay Sacuudiga

16 Okt 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa difaacay go’aanka ay madaxda DFS ku taageereen dowladda Sacuudiga.

Wasiirka oo qiil u raadinaya go’aankaas ayaa ku dooday inuusan go’aankaasi qusayn arinta wariyahii lagu dilay Qunsiliyad ay Sacuudigu ku leedahay dalka Turkiga abuurtayna khilaafka labadaas dal.

Shacabka Soomaaliyeed ayey la yaab ku noqotay inay dawladu indho la’aan u taageerto sacuudiga taas oo ku soo aadaysa safar uu dhawaan ku tagay Raysul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay isbarbar taag iyo taageero u muujisay dowladda Sucuudiga oo xilligan wajaheysa cambaareyn iyo dhaleeceyn caalami ah oo loogu jeedinayo arrinta Wariyaha lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Dhagayso



Puntlandes.com

About The Author