Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Soo Dhoweynayey 100 Arday oo Puntland Siisay Deeq Waxbarasho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 16 Oct 2018 caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgalay munaasibad lagu soo dhoweeynayey 100 arday oo Dowladda Puntland ay siisay deeq waxbarasho, ardaydan ayaa lagu wareejiyey Jaamacadda Royal ee magaalada Garoowe oo ay waxkabaran doonaan.

Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay munaasibaddaasi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw. Yuusuf ciise, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Madaxda Jaamacadda Rooyal, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaaasibadda soo dhoweynta ardayda oo ka dhacday Jaamacadda Royal Garoowe ayaa masuuliyiinta Jaamacaddaasi ku bogaadiyey bilowga wanaagsan ee ay ku bilaabeen Jaamacadda cusub, isla markaana Madaxweynuha ayaa ardayda kula dardaarmay inay maskaxdooda ka saaraan in aan dalka waxba lagu baran karin,

“Waxa lagayabaa ardaydu in ay u hanqal taagaan meelo kale inay waxbarasho u raadsadaan oo laysyiraahdo tayada iyo qiimaha waxbarashada dalku way ka hoosaysaa kuwa dibadda, taasina ay dad baddan shaki ka muujiyaan, waa fikir aan anaba qabijirney markaan idinka da’diina ahayn, laakiin in badan oo naga midi dalka ayaan wax ku baranay, runtii waxaanu ka waxbarasho fiicnayn kuwo badan oo aan ugu tagnay dalka dibaddiisa, dalkaaga ood wax ku barataa wax ka qiima badan ma jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Puntland isu dheelitirka ardayda fursaddani loosoo xulay oo ay gabdhuhu ku badan yihiin, Madaxweynaha ayaa xusay in Jaamacaddu soo bandhigtay waxtar wanaagsan oo anficidoona ardayda ka kooban 100-ka, dhinaca kale Madaxweynha ayaa tilmamaay in ay mudan tahay in Jaamacaduhu yeeshaan “Quality assurance” oo ah in lasoo saaro arday waxbarashadiisu fiican tahay oo beri markuu dhammaysto waxbarashada bulshada iyo naftiisaba anfaca.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ka faa’iidaystaan fursaddani dahabiga ah, wuxuuna faray Wasaaradda Waxbarashada inay dabagasho oo marwalba korjoogtayso waxbarashada ardaydani, isla mar’ahaantaana wuxuu Madaxweynuhu balan qaaday inay garab is taagayso guud ahaan ardayda Puntland.

 

 

           

About The Author