Akhriso Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS oo uu Baarlamaanka Koofur Galbeed oo ansixiyay

21 okt 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta ku dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaas oo ka kooban 27 xubnood, waxaana markii la magacaabay la horgeeyay Baarlamaanka oo ansixiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, waxaana ogolaatay 93 Xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diideen.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la qaban doonaa 17 bisha November ee soo socota, waxaana ilaa hada shaaciyey oo ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yihiin Madaweynaha xilka haya Shariif Xasan Xasan iyo Mukhtaar Rooboor.

Akhriso magacyada guddiga

100b6

100b7
Puntlandes.com

About The Author