Waa kuma musharaxa ay dawlada fadaraalku wadato ee Koonfur Galbeed?

22 Okt 2018 (Puntlandes) Dawladda Fadeataalka ayaa shalay Diyaarad wayn oo siday Baabuur aan xabadaha karin, Hub iyo Ciidamo  gaysay magaala Baydhabo, kuwaas oo ay ka qaaday magaalada Muqdisho.

IMG-20181021-WA0005

Xog lagu kalsoon yahay ayey ayey Warbaahinta Puntlandes ku heshay in gawaarida aan xabadaha karin iyo ciidamada la socday ay horudhac u yihiin mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaas oo ah Musharaxa ay dowladdu taageereyso.

images

Musharaxa ayaa ah Xildhibaan ayaa ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxayna doonaysaa madaxweynaha hada Shariif Xasan inay ka qaado.

Musharixiinta kale ee ay dawladu wadato ayaa waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow iyo agaasimihii hore NISA.

Puntlandes.com

About The Author