Sawirro: Musharaxa DFS taageereyso C/casiis Lafta Gareen oo gaaray magaalada Baydhabo

22 Okt 2018 (Puntlandes) Wasiirka Tamarta & Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo saaka ka raacay magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus maadaama ay dawladu kaarkeeda isugu gaysay isaga.

Haddii uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa, wuxuu lumin doonaa Kursigiisa Xildhibaannimo iyo xilka Wasiir uu ka haayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

C/casiis Lafta Gareen ayaa horay iskaga casilay Xil Wasiir kuxigeen ah, iskuna sharxay Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu ka tanaasulay doorashada wareegii labaad, kaddib gorgortan lagula galay in la siiyo Xil Wasiir iyo madaxweynaha KGS.

Daawo sawirrada
101a5

101a6

101a7

101a7a

101a7a1

101a7a2
Puntlandes.com

About The Author