RW Khayre oo khilaafka u magacaabay Guddi dhawr Wasiiro ah

23 okt 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban afar xubnood kuwaasoo oo uu sheegay inay Aqalka sare kala shaqeeyaan xalinta cabashooyinka wax uu ugu yeeray qaar ka mid ah dawlad  Goboleedyada.

kh

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo jawaab u ahaa war saxaafadeedkii Aqalka Sare uu kaga dalbaday Xukuumadda inay caddeeyaan mowqifkooda cabashada dawlad goboleedyada iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka ay xubin ka yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Amniga.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka.

Waxaa xusid mudan waxa uu Khayre ugala jeedo qaar ka mid ah dawlad Goboleedyada, ma wuxuu aqoonsaday garabka Cadaado oo ay dawladiisa gadaal ka riixaysay?

Tani waxay caddayn u tahay burburinta ay dawlada fadaraalku ku hayso dawlad Goboleedyada dalka oo dhisidooda loo soo maray dhibaatooyin badan ayna ku baxeen waqti iyo maal badan.

Akhriso qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

IMG-20181023-WA0002

Puntlandes.com

About The Author