Xildhibaanadda KGS “Lafta Gareen waxa uu noo qeybiyay $500 qofkiiba oo soo dhaweyn ah, balamo kalana waa noo balan qaada”

23 okt 2018 (Puntlandes) Musharaxa ay wadato dowladda Fedaraalka Cabdiasis Xassan Lafta Gareen oo shalay gaaray magalaada Baydhabo, isaga oo wato diyaar gaar  ah, ciidao iyo baarta aysan xabadu karin iyo lacag aad u faro badan,  ayaa isla shalay waxa uu qado sharaf u sameeyay xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 images

Xildhibanada ayaa midkiiba waxaa la siiyay lacag $500 oo doolar ah, lacagtaa ayaa lagu sheegay in ay tahay soo dhaweyn iyo “xagal shaah ama biyo cab”. Midka mida xildhibaanadda ayaa yiri “ waan ku farxsanahay in lacag uu soo dhiibay Villa Somalia in ay Baydhabo soo gaarto”

Musharaxa Villa Somalia ayaa maalin kaliya waxa uu bixiyay lacag kor u dhaaftay $230,000 oo doolar. Arintaan ayaa ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay kooxda ka talisa Villa Somalia in ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed u  magacawdo Madaxweyne ka amar qaata.

Dhanka kale aqoonyahanada ka soo jeeda deegaanka Konfur Galbeed  ayaa aad ula yaabay awooda uu la yimid Cabdiasisi Lafta Gareen. Daud Isaaq. Ayaa yiri :”isaga oo aan waxba noqon ayuu sidaan u dhaqamayaa maxaan ka filan karnaa hadii Villa Somalia ku guuleysto inay Madaxweyne nooga dhigto”

Puntlandes.com

About The Author